1071 Views

Dhibbanayaasha tacaddiyada kufsi ee carruurta loogu geystay gudaha kaniisadda Roman Kaatooligga ee Faransiiska oo cambaareeyay

Dhibbanayaasha tacaddiyada kufsi ee carruurta loogu geystay gudaha kaniisadda Roman Kaatooligga ee Faransiiska oo cambaareeyay
____________________________________________________________________________


Talaado: October 5, 2021

Dhibbanayaasha tacaddiyada kufsi ee carruurta loogu geystay gudaha kaniisadda Roman Kaatooligga ee Faransiiska ayaa cambaareeyay waxay ugu yeereen hannaanka gurracan ee kaniisadda, kaddib markii ay soo baxday warbixinta madaxa bannaan ee ku saabsan in baadariyaasha kaniisaddaasi ay geysteen tacaddiyada kufsiga carruurta.

Dhibbanayaasha ayaa sheegay in lagu tacaddiyay waxayna ku baaqeen in isbeddel weyn lagu sameeyo hannaanka kaniisadda. Madaxa baaritaanka ee guddiga soo saaray warbixintan, Jean-Marc Sauvé, ayaa sheegay in tiradu ay kor u dhaafi karto ilaa 330,000, marka lagu daro tacaddiyada ay geysteen xubno ka tirsan waaxaha Kaatooligga.

Guddiga ayaa ku taliyay in isbedello lagu sameeyo dhaqamada kaniisadda, oo ay ka mid yihiin in la xaddido qirashada qarsoon ee kiisaska tacaddiyada.

Sauvé ayaa sheegay in muddo tobnaan sano ah ay kaniisadda Kaatooligga ee Faransiiska iska indha tireysay eedeymaha tacaddiyada.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post