1311 Views

Amiirka Dalka Qatar oo ka tacsiyeey geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

Amiirka Dalka Qatar  oo  ka tacsiyeey geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Amiirka Dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bayaan ka soo baxay xafiisaka Amiirka Qatar ayaa lagu sheegay in Amiirka Qatar uu murugada la qeybsanayo qoyskii uu ka baxay marxumka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha Qatar, Sheekh Khaalid bin Khaliifa ayaa isna ka tacsiyeey geerida ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post