231 Views

Dowladda Iiraan oo xir xiraysa wariyayaasha tabiya banaan baxyada Sanadkii hore ka dhacay Dalkaas

Dowladda Iiraan oo xir xiraysa wariyayaasha tabiya banaan baxyada Sanadkii hore ka dhacay Dalkaas
____________________________________________________________________________

Sabti: JANUARY 6, 2023

Saxafi u dhashay dalka Iran, oo wareystay qoysas ay kasoo jeedeen dibad baxayaasha, ayaa xabsiga la dhigay, sida ay sheegeen xaaskiisa iyo warbaahinta Iran.

Mehdi Beik ayaa la xiray habeenimadii Khamiista, sida uu sheegay wargeyska is badal doonka ah ee Etemad, oo Beik uu u shaqeeyo.

Lama oga sababaha loo xiray, balse waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo ay socdaan howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada dowladda loogga soo horjeedo.

Dalka Iran, ayaa waxaa ruxay mudaaharaadyo bilo socday, tan iyo markii haweeney Kurdish ah oo Iran u dhalatay, ay ku geeriyootay gacanta booliiska.

Mudaaharaadyo ayaa dhacay bishii Sebtembar, ka dib dhimashadii, Mahsa Amini, oo 22 jir ahayd, oo ay xireen booliiska akhlaaqda oo lagu eedeeyay in aanay si wanaagsan u xiran xijaabkeeda”.

Waxay si degdeg ah ugu faafeen mudaaharaadyadu dalka oo dhan, waxayna noqdeen caqabadii ugu cusleyd ee soo wajahda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1979kii.

Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka Jimcihii, xaaska Beik, Zahra, waxay ku sheegtay in “ay xireen wakiilo ka socday Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo sidoo kale lala wareegay taleefankiisa gacanta, Laptop-kii uu watay markaa, iyo waxyaabo kale oo uu isagu lahaa”.

Saxafiyiinta ay wada shaqeynayeen, ayaa argagax iyo caro ka muujiyay xarigiisa, iyagoo baraha bulshada soo dhigay hadallo ay ku taageerayaan wariyaha la xiray.

Saxafiga fadhigiisu yahay Iran, ee Elham Nadaf, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Dalkani waxaa lagu bahdilaa saxafiyiinta, halka bahdilkaas uu u dheer yahay xarig iyo jirdil!

Halka weriyaha diblumaasiyadeed ee Etemad Sara Masoumi, ay tweet garaysay: “Adiga oo ay ula jeedo [Beik] waxaad ku soo laaban doontaa qolka wararka, adigoo madaxa kor u haya.”

Hooyada dhashay maxbuus 15 jir ah oo la sii daayay, ka dib markii uu Beik muujiyay kiiskiisa, ayaa sidoo kale ammaantay weriyaha la xiray.

“Naxariistii uu ii sameeyay aniga iyo [wiilkayga] Amirhossein Rahimi, weligey ma iloobi doono. Isagu wuxuu tusaale u yahay qof sharaf leh. Magacaaga wariyaha xiran waan ku dhawaaqi doonaa inta aan neefsanayo,” ayay ku soo qortay Twitter-keeda.

Beik waa madaxa qeybta siyaasada ee Etemad. Sida ay sheegtay Idaacadda Farda ee Mareykanka ay maalgeliso, waa wariyihii saddexaad ee la sheegay in la xiray todobaadkii la soo dhaafay.

Ugu yaraan 73 saxafiyiin gaaraya iyo sawir qaadayaal, ayaa la xiray tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilowdeen, sida ay ku warantay shabakada wararka ee Faraz ee isbedel doonka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post