1911 Views

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo saacado lagu xiray Garoonka Muqdisho

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2018 –  Sidda ay Qaranimo Online u xaqiijiyeen ilo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Ciidamada Ammaanka ayaa xiray Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Jubbaland, sidoo kalena ah Xoghayaha Guud ee rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Shaafi Raabi ayaa la sheegay Markii uu kasoo degtay garoonka in ay qabteen Ciidamo ka tirsan kuwa ku sugan Gudaha Garoonka ayna ku xireen saldhig halkaasi ku yaalla.

Shaafi Raabi, ayaa la sheegay ciidamada ammaanka Garoonka Aadan  Cadde inay ka qaadeen Passport Diblumaasiga ah ee uu watay.

Waxaa uu ka yimid Shaafi Raabi Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka halkaasi oo uu kaga qaybgalay Shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlaayay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya garoonka Aadan Cadde ayaa waxa ay sheegayaan in goobta lagu xiray ay tageen Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, islamarkaana ay ku guuleysteen in ay soo daayaan.

Waxaa uu ku sugan yahay Gudaha Garoonka,halkaasi ayuuna shir kula jiraa Wasiirka duulista Hawadda iyo Mas’uuliyiin kale.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment