1023 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha Xarun qarax lagu burburiyey

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha Xarun qarax lagu burburiyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 1, 2020Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa uu dhagax dhigay dhismaha xarunta degmada Warta Nabada oo hjorey Al-Shabaab qarax ku burburiyeen.

 

Guddooomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono Xarunta Degmada, si loo dardargeliyo adeega shacabka kunool Degmada Warta Nabadda ,isaga oo baaq u diray Shacabka kunool Caasimadda in ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta Caasimadda, Amniga iyo isdhexgalka bulshada .

 

 

 

14-kii bishii May ee sanadkii hore 2019 ayaa Gaari sida la sheegay ahaa NOH lagan soo buuxiyey waxyaabaha qarxa waxaa lagu qarxiyey Xarunta degmada Warta-Nabada,waxaana qaraxaas uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Horey ayaa Al-Shabaab waxaa ay qarax ku burburiyeen Xarumaha degmooyinka, Wadajir,Hodan iyo Howl-Wadaag walow markii dambe dib loo dhisey.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment