3102 Views

Dowladda shiinaha oo beenisay inay caqabad ku yihiin hawlgalka Maraykanka ka wadaan Soomaaliya iyo Yemen

Dowladda shiinaha oo beenisay inay caqabad ku yihiin hawlgalka Maraykanka ka wadaan Soomaaliya iyo Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 6, 2018 –  Shiinaha ayaa beenisay Eedeymaha Mareykankajku sheegay in Ciiddanka shiinaha ee jooga Saldhigooda ku yaalla Jabuuti ay shucaaca Laysarka ku ifiyeen Duulliyayaasha Diyaaradaha Dagaalka ee Hawlgalladda ka fuliya dalalka Somalia iyo Yemen.

Milliteriga Maraykanka waxay Jimcihii ku eedeeyeen Shiinaha inay mas’uul ka yihiin dhaawacyo fudud oo Indhaha oo soo gaaray 2 ka mid ah Duulliyayaasha Diyaaradaha isticmaala Saldhigga Maraykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Huwa Junying ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanka ku wargeliyeen inay eedeyntaasi tahay mid la dhoodhoobay oo aysan waxba ka jirin

Wasaaradda Difaaca ee dalka Shiinaha ayaa soo saartay War lagu beeniyey Ashtakada Maraykanka, waxayna sheegtay inay dhowraan Shuruucda Caalamiga, kana go’an tahay sugidda Ammaanka iyo Deganaanshaha Mandiqadda.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka  ayaa ka walaacsan inay Shiinaha qorsheynayaan sidii ay u kordhin lahaayeen Hawlgalladda Sahminta, si ay ula socdaan Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka fuliyaan dalalka Somalia iyo Yemen.

4,000 OO Askar Maraykan ah ayaa ku sugan Saldhigga CAMP LEMONNIER oo ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, kuwaasi oo badankooda ka qeyb gala Hawlgalka lagula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta ee ku sugan Somalia iyo Yemen.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment