450 Views

Hooyo da’ ah iyo cunageeda oo ku dhintay madaafiic ay Al-shabaab ku garaaceen G/Sh/Dhexe

Hooyo da’ ah iyo cunageeda oo ku dhintay madaafiic ay Al-shabaab ku garaaceen G/Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Xalay saqdii dhexe dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxaa ay weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen deegaanka Biya Cadde ee gobobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay Goob-joogayaal u sheegeen KNN Madaafiicda ayaa ku dhacday guryo ay dagan yihiin dad shacab ah waxaana jira Khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan.

waxaa ay sheegeen in xalay xilli dambe ay hurada kaga salaleen dhawaqa madaafiicda oo aheyd mid u culus.

Sidoo kale, Hooyo da’ ah iyo wiil ay dhashay ayaa ku dhintay weerarka Madaafiicda habowga ah kuwaas oo ku dhacay gurigooda waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 qofood oo kale.

Isbitaalada ugu dhow ee dadka lageen karo waa Isbitaalo ku yaala Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ,xilli dhaawaca shacabka qaar kamid ah xaaladooda laga deerinayo.

Deegaanka Biyaha cadde waxaa fariisan ku leh ciidamada Burundi iyo kuwa xoogga dalka, iyadoo uu deegaanka wax ka yar 35KM uu u jiro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha Dhexe.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post