378 Views

Dalalka G7 oo dhaleeceeyay aftida ka dhaceysa qeybo kamid ah Ukraine

Dalalka G7 oo dhaleeceeyay aftida ka dhaceysa qeybo kamid ah Ukraine
____________________________________________________________________________

Axad: September 25, 2022

Dalalka ugu taajirsan adduunka ee G7 ayaa dhaleeceeyay waxa ay ku tilmaameen aftida waxbo kama jiraanka ah ee laga qabayo qeybo kamid ah Ukraine oo ku aadan in shacabka ay ku biirayaan Ruushka iyo in kale.

Waxay ku tilmaameen aftida ka dhaceyso meelo ka tirsan Ukraine ay horkacayaan saraakiil taageero ka helo Ruushka mid kasoo horjeeda xeerarka Qaramada Midoobey.

Ukraine waxay ku gacan seyrtay aftida ay ku tilmaantay tallaabo jees jees ah oo aan sharciga waafaqsaneyn.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in arrintani ay tallaabo dacaayad ah oo uu ka dambeeyo Ruushka.

Waxay intaa ku dareen in Ruushka uu aftida uga raadsanayo qiil sidii si sharci darro ah uu kula wareegi lahaa dhulka Ukraine.

Ruushka wuxuu sheegay in shacabka ku nool dhulka uu qabsaday uu siinayo fursad ay ku cabbirayaan aragtidooda.

Balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay taagan yihiin guri kasta iyagoo u hanjabaya shacabka si ay uga qeyb qaataan aftida.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post