738 Views

Rwanda oo hanjabaad u dirtay dalka ay deriska yihiin ee Congo

Rwanda oo hanjabaad u dirtay dalka ay deriska yihiin ee Congo
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 1, 2022

Rwanda ayaa sheegtay inay ka aargudan doontaa haddii ay weeraro kale uga yimaada dalka ay dariska yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu sheegay wasiirkeeda arrimaha dibadda Talaadadii, kadib markii ay ku eedaysay Congo inay madaafiic kasoo tuurtay xadka horraantii bishan.

Congo ayaa u yeertay safiirka Rwanda, iyada oo hakisay duulimaadyadii ay RwanAir ku tagi jirtay dalkeeda, si ay uga jawaabto waxa ay ku sheegtay taageerada Kigali ee fallaagada maleeshiyada M23 ee duullaanka militari ku qaaday xudduudeeda bari.

Rwanda ayaa beenisay sheegashadaas, waxayna ku eedaysay ciidamada Congo inay ka barbar dagaallamayaan xoogagga Dimuqraadiga ee Xoraynta Rwanda (FDLR), oo ah koox hubaysan oo ay aasaaseen qawmiyadda Hutu ee kasoo qaxay Rwanda kadib markii ay ka qayb qaateen xasuuqii 1994-tii.

“Haddii ay weerarradu sii socdaan, iskama fariisan doonnoo…Ruwanda waxay xaq u yeelan doontaa inay ka jawaabto si ay u ilaaliso ammaanka dalkeeda iyo muwaadiniinteeda, waana leenahay awood aan ku sameyn karno,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Vincent Biruta u sheegay suxufyiiinta.

Iska horimaadyadan ayaa halis gelinaya xiriirka labada dal, kaas oo soo hagaagayay tan iyo markii madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi uu xukunka qabtay saddex sano kahor.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post