2907 Views

Sawiro:-Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiira gelin ah la qaatay ciyaartooyda naadiga Horseed

Sawiro:-Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiira gelin ah la qaatay ciyaartooyda naadiga Horseed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa kulan is xog wareysi iyo dhiiragalin la qaatay ciyaartooyda naagdiga Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciyaartooyda iyo macalimiinta naadiga Horseed ayaa taliyaha xoogga dalka Soomaaliya uga warbixiyay guulaha iyo tartamada ay ka gaareen ciyaaraha ay sanadkaan ciyaareen

madaxa habmaamuuska ciidanka xoogga dalka ahna gudoomiyaha kooxda Horseed G/sare Maxamed Ahmed Digtoorka ayaa sheegay in kooxda Horseed ay dhawaan ciyaaro saxiibtinimo ay kusoo dheeli doonto dalka dibadiisa

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ciyaartooyda iyo macalimiinta naadiga Horseed kula dar daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment