1125 Views

Hay’adda socdaalka & jinsiyadaha SHALAY & MAANTA

____________________________________________________________________________

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya,  waxay ka mid tahay hay’adaha u xilsaaran qabashada adeegyada halbowlaha u ah dowladnimadda, waxaanna  dhowrkii sanno ee u dambeeyay ay ku tillaabsanaysay tillaabooyin dhiiragelin u noqon kara soo kabashada dowladnimadii Soomaaliya, waxaanna bogaadiyay waxqabadkeeda dadyow fara badan oo Soomaali iyo ajnabi intaba isugu jira.

Horumarka uu aadanuhu ku tillaabsado waxaa saldhig u ah dedaal, karti, hufnaan iyo daacadnimo in lala yimaado, lagana run sheego waajibaadka shaqo ee markaas qofka ama hay’adda loo igmaday, iyada oo qof waliba ay taariikhdu qorayso kaalintii uu qaatay.

Waxaan qabaa, in aysan jirin cid maanta dood ka keeni karta horumarka dardarta ku socda ee ay ku tillaabsatay Hay’adda socdaalka & jinsiyadaha Soomaaliya ee uu Agaasimaha ka yahay Col. Max’ed Adan Koofi, waxayna dad badani iswaydiinayaan siddeey ugu suurtagashay Col. Koofi inuu seeska u dhigo intaan oo shaqooyin ah muddo koobban.

Hay’adda socdaalka waxay ku guulaysatay in ay xafiisyo ka furato inta badan gobolada dalka, waxaanna la geeyey badi gobolada qalab hay’adda u saamaxaya in xarunteeda dhexe laga hago ama lagala socdo bixinta dhammaan dukumintiyada ay u baahan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyada oo la isticmaalayo  qaabkan Digital-ka ah, waxaanna meesha ka baxay gebi-ahaanba wax kasta oo meesha ka saari kara in dariiq aah sharci ah loo maro qaadashada dukumintis-yadaas.

Marka laga hadlayo waxqabadka iyo horumarka ay ku tillaabsatay DF Soomaaliya tusaalooyinka ugu horreeya ee la soo qaato waxaa ka mid ah, sida Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ay ugu guuleystay in ay adeegyada ay mas’uulka ka tahay ugu fidiso dhammaan gobolada dalka, iyada oo hay’adu ay ku shaqeyneyso hannaanka cusub  ee digital-ka loo yaqaano, Sidoo kalena ay soo rogtay shuruudo adkaynaya, meeshana ka saaraya in baasaboorka Soomaaliga ah uu gacanta u galo shaqsiyaad aan Soomaali ahayn, taas oo sannooyinkii u dambeeyey ay dhici jirtay, ilaa heer taleefishinada caalamiga ah ay soo saaraan warbixinno ku saabsan dad ajnabi ah oo ku faanaya in ay hannaan aan sharci ahayn ku qaateen baasaboorka Soomaaliga.

Col. Maxamed Aadan [Koofi] ayaa noqday agaasimihii ugu horreeyey ee shadaafta u laabay wax kasta oo sharci ahaan iyo qiyam ahaanba meel ka dhac ku ah Qaranimada Soomaaliya, wuxuuna ku guulaystay inuu soo celiyo sharaftii iyo qiimihii uu gudaha & dibedda ka lahaa baasaboorka Soomaaliga, waxaanna la oran karaa Col. Koofi wuxuu gutay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday.

Col.Koofi, intii uu xilka Agaasimaha hayay wuxuu suuratageliyey in ay tababaro aqoon kororsi ah ku soo qaataan dalal kala duwan qaar ka mid ah shaqaalaha iyo howlwadeenada Laanta socdaalka, si shaqaalaha

“Hay’adda socdaalka waajibaadkeedu ma ahan oo keliya baasaboor bixin, ee waa wejigii dalka laga soo galayay, cid kasta oo dalka timaada Soomaali iyo ajnabi dadka ugu horreeya ee u qidmaynaya waa shaqaalaha hay’adda, haddaba waxaa lagama maarmaan ah in howlwadeenadu ay la jaanqaadi karaan habkan casriga ah ee adduunku ku shaqeynayo, waxaadna dareemeysaa in Agaasime Koofi uu yahay mas’uulkii ugu horreeyey ee hay’adaasi soo mara, kuna soo kordhiya waxqabad la taaban karo” Ayuu yiri Axmed Xassan oo ka mid ah howl-wadeenada garoonka dayuuradaha Adan Cadde.

W/Q/ Wariye Abdihakim Elmi Hassan

Email- Cabdixakiin441@hotmail.com Tell-+ 254-711830393 Nairobi Kenya

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post