462 Views

Dhismaha Xarunta Dhexe Hay’adda Socdaalka Oo Laan 2aad Ka Dhagaxdhigtay Kismaayo

Dhismaha Xarunta Dhexe Hay’adda Socdaalka Oo Laan 2aad Ka Dhagaxdhigtay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa maanta waxay dhagax dhigeen dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga Xarunta Laanta 2aad ayaa sheegay muhiimadda ay u leedahay hirgelinta dhismahaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda,  gaar ahaan Laanta 2aad ee Hay’adda oo u adeegta deegaannada Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda adeegyada ay ka bixiso deegaannada Jubbaland, isagoo sidoo kalane ku tilmaamay dhismaha xarunta in ay muhiimad gaar ah u leedahay in laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo oo xarun u ah Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xaruntan ayaa u adeegi doonta muwaadiniinta iyo dadka ajinabiga ah ee ku nool Jubaland iyo deegaanada ku dhow ee baahida u qaba adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka maadama Jubaland ay xuduud aad u dheer la wadaagto dalalka dariska ah, waxaana dhismaha xaruntaan  oo ka kobnaan doonta labo dabaq iyo goobihi kale ee adeega dadweynaha la qorsheeyay in la soo gebagabeeyo dhamaadka Sanadkan,

Ugu dambeyn, waxaa  Agaasimaha Guud ee HSJ dhagax dhigeeda ku wehlnayey Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ mudane, Xasan Cabdulqaadir Maxamed  iyo Lataliyaha sare ee HSJ mudane, Mahad Cabdi iyo Madaxda iyo Saraakiisha Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post