687 Views

Jabuuti oo dhisanaysa garoon diyaaradeed oo ugu casrisan geeska Afrika

Jabuuti oo dhisanaysa garoon diyaaradeed oo  ugu casrisan geeska Afrika
____________________________________________________________________________

June 10 2021

Dolwadda Jabuuti ayaa dhisanaysa garoon diyaaradeed oo ka mid noqon doona kuwa ugu casrisan uguna waaweyn geeska Afrika, kaas oo loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti, Allaha unaxariistee Xasan Guuleed Abtidoon.

Marka laga soo tago in gooroonka uu noqon doona mid fududeeya adeegyo badan oo dhanka gobalka ah, isla markaana uu soo kordhiyo bilic wanaagsan, haddana waxaa la rajeynayaa inuu qayb weyn ka qaato shaqo abuurka dhalinyarada reer Jabuuti xilli ay dalka ka jirto shaqo la’aan baahansan oo haysta da’yarta.

Dolwadda Faransiiska ayaa fulinaysa dhismaha garoonkan, iyadoo labada madaxweyne ee Macron iyo Geelle ay dhawaan ka wadahadleen mashruucaan lagu dhisyo gegidaan diyaaradaha.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqosho ku tagay dhawaan dalka Faransiiska, ayaa halkaa kula kulmay dhigiisa dalkaas Emmanuel Macron, waxayna labada madaxweyne ka wadahadleen arrimo uu ka mid yahay dhismaha garoonkan oo dowladda Faransiiska ay ka caawineyso Jabuuti dhaqaalaha lagu dhisayo.

Danjiraha dowladda Faransiiska u fadhiya Jabuuti, Arnaud Guillo, ayaa sheegay in tallaabadan loogu dhisayo Jabuuti garoonka cusub ay tahay mid weyn oo u furaysa waji cusub oo xiriirka ka dhaxeeya labada dal ah.

“Waxa aan furnay bog cusub oo ku sabsaan dhismaha Garoonkan cusub, waxaan sameyn doonnaa qiimeyn qoto dheer oo ku sabsaan mashruacaan iyo kharashka ku baxaya iyo sida uu dhismaha garoonka noqon doono”, ayuu yiri Danjire Guillo.

Wuxuu intaas ku daray in qiimeynta ay samayn doonaan natiijadeedu ay noqon doonto mid wax ku ool ah.

Dowladda Faransiisku waxay ku tilmaantay barnaamijkaan lagu dhisyo garoonka diyaaraduhu mid muhiim ah oo ujeedo dhanka mustaqbalka ah laga leeyahay.

Arnaud Guillo wuxuu yiri: “Waxaa jirto aragti dheer oo ku sabsaan dhanka maalgashiga iyo gaadiidka. Markii ay dhawaan kulmeen madaxweynaha Faransiiska, Macron iyo Madaxweyne Geelle, waxay ka wadahadlen masharuucan ay sida wada jirka ah u fulinayaan labada dal ee muhimka ah”.Garoonkaan habka caalamiga ah loo dhisayo howshiisu waxaa ay qaadan doonta muddo laba sano iyo bar ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood ee Jabuuti iyo Faransiiska, wuxuuna noqon doonaa garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Jamhuuriyadda Jabuuti.

Maxaa laga filayaa inuu soo kordhiyo Garoonkaan la dhisayo?

Inkasta oo muddooyinkii u dambeyay aaney dowladda Faransiisku wax mashaariic ah oo waaweyn ka fulin dalka Jabuuti, haddana waxaa muuqata in ay bilowday in dalkaas ay barnaamjiyo caaqibo leh ka fuliso, kuwaas oo loo arko wakhtigaan kuwo muhiim ah oo wax badan ku soo kordhin doono gobalka ugu yar Geeska Afrika.

Agaasimaha maamulka dekadaha Jabuuti, Abuubakar Cumar Haadi, ayaa sheegay in go’aanka lagu dhisayo garoonkan uu yahay mid horseedi kara horumar.

“Faransiisku waxaa moodaa inuu dhanka maalgashiga iyo dhaqaalaha uu ka yara gaabiyay balse iminka xoogbuu u soo noqday,” ayuu yiri.

“Mashruucaani waa mid balaaran, waxaana qeyb ka ah dhismaha dekado iyo wadooyin, waxaan iminka ku daraynaa garoonka oo shaqadiisa ugu weyn ay noqon doonto badeecadaha,” ayuu yiri Haadi.

Mashruucaan marka la dhamaystiro ayaa la rumeysanyahay inuu fursad shaqo abuur u noqon karo dallinyaro badan oo wax bartay, balse aan hadda haynin wax shaqo ah.

Balse Cabdalla Cabdow oo ah dhaqaaleyahan reer Jabuuti ah ayaa qaba inuu dhismaha garoonka uu soo kordhinayo bilic wanaagsan, isla markaana tallaabada lagu dhisayo ay tahay aragti wanaagsan.

Balse wuxuu sheegayaan in ay jiraan waxyaabo ka wanaagsan oo uga manaafacaad badan dhalinyarada reer Jabuuti ee shaqo la’aanta haysato.

Wuxuu sheegay in dhismahaan oo kale oo ay ku baxayso lacag badan oo loo baahanyahay in laga fikiro lana eego adeegyada kale ee bulshadu u baahantahay ee baahidoodu dalka ka jirto.

“Maanta garoonkan laga dhisayo Baciidley muxuu faa’iido u leeyahay dalka. Waa wax wanaagsan oo qurux ah, waana bilicda dalka ku soo biirtay.”

“Balse waxyaabo ka muhiimsan bilicdaas ayaa jira ;waxaa weeyaan dalxiisayaal Jabuuti ma yimaadaan, sababtoo ah waxaa ka horreeya in la sameeyo meel dalxiis ah. Marka waa in laga fikiraa lacgata ku baxaysa iyo macaashka kaa soo galaya,” ayuu yiri Cabdalla Cabdow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post