426 Views

madaxwayne Zelensky oo shegay in Tobanaan kun oo qof lagu dilay koonfurta magaalada Mariupol Ukrain

madaxwayne Zelensky oo shegay in  Tobanaan kun oo qof lagu dilay koonfurta magaalada Mariupol Ukrain
____________________________________________________________________________


Isniin: April 11, 2022

Tobanaan kun oo qof ayaa loo badinayaa in lagu dilay koonfurta magaalada Mariupol tan iyo markii uu Ruushku ku soo duulay UKraine, sida uu sheegay madaxwayne Zelensky, oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee Reuters.

Kulan muuqaal ah oo uu la yeeshay sharci-yaqaannada Kuuriyada Koonfureed, ayuu ku yiri: “Mariupol waa la burburiyay, tobanaan kun oo qof ayaa ku dhintay, balse inkastoo ay taasi jirto, Ruushku ma joojinayaan weerarkooda”.

BBC-du ma xaqiijin karto sheegashada Zelensky, balse waxa la ogyahay ayaa ah in qaxootiga ka soo cararay magaaladaasi ee go’doonsan ay ku tilmaameen xaaladda halkaas ka jirta mid quus ah.

Dhanka kale tirada dadka ku dhintay gantaalkii lagu weeraray xarunta tareenada oo ku taalla magaalada Kramatorsk ayaa gaartay 57 qof sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak ayaa u sheegay telefishinka qaranka in “Ukraine ay diyaar u tahay dagaallo waaweyn” oo ka dhan ah Ruushka.

Waxa uu intaa ku daray in Ukraine ay ku qasban tahay inay dib u riixdo ciidamada Moscow ee ku sugan bariga Donbas, halkaas oo Moscow ay maamusho laba gobol oo gooni u goosad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post