249 Views

Dowladda Burkina Faso oo sheegtay in 11 askari meydadkooda la helay halka 50 qof oo rayid ah la la’ayahay halka jaan iyo cirib ay

Dowladda Burkina Faso oo  sheegtay in 11 askari meydadkooda la helay halka 50 qof oo rayid ah la la’ayahay halka jaan iyo cirib ay
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022

Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay in 11 askari meydadkooda la helay halka 50 qof oo rayid ah la la’ayahay halka jaan iyo cirib ay dhigeen kadib weerar ay koox ku qaaday kolonyo baabuur ah oo sahay u siday dadka ku nool waqooyiga dalkaas.

Weerarka Isniinta dhacay waxaa ku dhaawacmay 28 qof ay kamid yihiin 20 askari xilli uu socdo dadaallada lagu baadigoobayo dadka maqan.

Kolonyada baabuurta oo ay ilaalinayeen ciidamada militeriga

Waxaa weerarka lagu qaaday kolonyada baabuurta oo ay ilaalinayeen ciidamada militeriga xilli ay marayeen waqooyiga Burkina Faso.

Weerarkan ayaa lagu tuhunsan yahay inay qaadeen kooxaha islaamiyiinta ee ka howlgala dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post