270 Views

Ciidamada ATMIS oo howlgal miino baaris ah ka sameeyay duleedka Kismaayo

Ciidamada ATMIS oo howlgal miino baaris ah ka sameeyay duleedka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa  howlgallo baaritaano ah ka sameeyay duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo dhowr jeer dad Shacab ah ay miino kula qaraxday, isla markaana dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Howlgalka ayaa ujeedka ugu weyn ee Ciidamada ATMIS waxaa uu ahaa sidii ay u soo saari lahaayeen walxaha qarxa, kuwaasi oo ku aasan Waddooyinka Muhiimka si aysan khasaaro uga soo gaarin dadka Shacab ah.

War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay inay soo saareen miinoo dhowr ah oo Al-Shabaab ay waddooyinka ku Aaseen sia y dadka ugu dhibaateeyaan.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada ATMIS intii ay ku guda jireen howlgalka ay si naabd ah u qarxiyeen miinooyinkii ay waddooyinka kasoo saareen, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

“ ATMIS iyo ciidamada xoogga dalka waxay xoojiyeen awoodaha la-dagaallanka qaraxyada oo ay ku jiraan awoodda lagu dabaqi karo inay dhacaan qaraxyo, iyaga oo markiiba sameeya ka hortag ayaa lagu yiri” War kasoo baxay ATMIS.

Degaannada kuyaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino oo qabsaday gawaari ay saarnaayeen dad Shacab ah, waxaana ka dhashay khasaaro isuu jiray dhimasho iyo dhaawac.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post