924 Views

Ciidamada Israa’iil oo isku dayay inay dilaan hoggaamiyaha milateriga Xamaas

Ciidamada Israa’iil oo  isku dayay inay dilaan hoggaamiyaha milateriga Xamaas
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaamsatay guryo ay daganaayeen hoggaamiyayaasha Xamaas, xilli dagaalka laba dhinac u dhexeeya uu galay maalintii tobanaad.

Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in “marar badan” ay isku dayday inay disho hoggaamiyaha milateriga Xamaas Mohammed Dei, balse ay gantaaladaasi ku dhinteen laba ka tirsan Xamaas.

Dhanka kale Xamaas ayaa sheegtay in gantaallo ay ku riday xarun ay daganaayeen ciidamada cirka ee Israa’iil oo ku taala koonfurta.

Dadaallada diblomaasiyadeed ee xabad joojinta loogu baaqayo ayaa weli socda balse waxay u muuqdaan kuwa aan weli lagu dhaqaaqin.

Israa’iil ayaa wali sii wada duqeymaha cirka ah ee ay la beegsanayso Qaza.

Daanta Galbeed, ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ayay ku dileen booliska Israa’iil intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhacay agagaarka Ramallah.

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas waxaa sababay maalmo ay sii kordhayaan isku dhacyada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil oo ka dhacayay masaajidka barakaysan ee Al Aqsaa oo ku yaalla bariga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post