900 Views

Dad u badan Ajaanib oo laga helay Cudurka COVID-19 degaannada Somaliland

Dad u badan Ajaanib oo laga helay Cudurka COVID-19 degaannada Somaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray Cudurka laga helay 10 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira rag 7 Dumar ah ayaa Gudiga waxaa ay sheegeen in lix kamid ah ah ay yihiin Ajaanib Shaqooyin kala duwan ka haayay deegaannada Soomaaliland.

Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 765 Ruux 29 Ruux ay u geeriyoodeen halka 518 Qof ay ka bogsoodeen.

Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana arrintaan ay kusoo aaday, iyada oo dhawaan Soomalailand ay qaaday xayiraadii lagu xakamaynayay faafitaanka cudurka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post