519 Views

Fadeexadda xafiiska ra’iisal wasaaraha UK Boris Johnson ee jabinta xanibaadda Covid19

Fadeexadda xafiiska ra’iisal wasaaraha UK Boris Johnson  ee jabinta xanibaadda Covid19
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Waxaa lagu casuumey boqol qof iney kaga qeyb galaan xaflad beerta xafiiska lagaga taliyo Ingiriiska ee 10 Downing street, iyadoo ay jirto xanibaaddii ugu horeysay ee lagu soo rogo Ingiriiska.

Goob joogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ra’iisal wasaare Boris Johnson iyo xaaskiisa, ay kamid ahaayeen illaa 30 qof, oo ka qeyb galey isu imaatinkani 20kii bishii May ee sanadkii 2020-ka.

Laakiin Boris Johnson, ayaa ka gaab sadey inuu faah faahin ka bixiyo inuu kamid ahaa dadkii halkaasi joogay iyo in kale.

Booliiska magaalada ayaa sheegay iney kala xiriireen dowladda arrintani, bal si ay faah faahin buuxda uga helaan jebinta sharciga xanibaadda lagu sameeyey, ee la xiriirta cudurka safmarka ee Covid19.

Farriin uu helay TV-ga ITV, kaasoo lasoo gubiyey, ayaa lagu sheegay in dadka lagu marti qaadey xafladda lagu sheegay in la kala fogaanayo, cabitaankana lagu cabayo beerta xafiiska No 10 fiidnimada.

Xafladdan ayaa qabsoontey intii lagu guda jirey xanibaadihii ugu horeeyey ee cudurka safmarka ee Covid19.

12 maalmood kadib, 1-da bishii June, sharcigii Ingiriiska ee kuwajahnaa cudurka Covid19, ayaa wax laga badaley, si loo fasaxo in illaa iyo lix qof ay ku kulmi karaan goob bannaan ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post