252 Views

Gabadh da’yar oo ku nool dalka Malawi oo gubtay shahaadadeedii jaamacadda kadib shaqo la,aan Darteed

Gabadh da’yar oo ku nool dalka Malawi oo gubtay  shahaadadeedii jaamacadda kadib shaqo la,aan  Darteed
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 24, 2022

 Gabadh da’yar oo ku nool dalka Malawi ayaa lagala noqday shahaadadeedii waxbarasho kadib markii uu baahay muuqaal laga soo duubay iyada oo gubeysa shahaadadeedii jaamacadda, xilli ay muujinayso sida ay uga niyad jabsan tahay in ay shaqo hesho. Muuqaalkaas oo markii anbe ku baahay baraha bulshada.

Jaamacadda gaarka loo leeyahay Exploits University oo ku taal caasimadda Lilongwe, ayaa u sheegtay Bridget Thapwile Soko in ay aad uga xun tahay muuqaalkan, sababtoo ah waxa uu wax u dhimay sumcadda hay’adda oo ay sheegtay in ay go’aansatay in ay baabi’iso dhammaan xogteedii waxbarasho.

Ms Soko ayaa la gudoonsiiyay shahaadada maamulka ganacsiga markii ay dhameysay kooras afar sano ah oo ay jaamacada ka dhiaganaysay balse waxaa xaalka beddelay muuqaalka ay ku sheegayso inay go’aansatay inay gubto maadaama aysan wax qiimo ah u laheyn shaahadadani.

Shaqo la’aantu waa dhibaato ba’an oo ka taagan Malawi, waxayna ahayd mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee ololihii doorashadii guud ee la soo dhaafay. Madaxweyne Lazarus Chakwera, oo markaas ahaa hoggaamiyaha mucaaradka, ayaa ballan qaaday in uu hal milyan oo shaqo abuuri doono sanadka ugu horreeya ee uu xafiiska joogo.

Laakiin kala noqoshada shahaadada Bridget ayaa kicisay dood weyn oo baraha bulshada ah oo ku saabsan shaqo la’aanta iyo ku habboonaanta waxbarashada laga bixiyo machadyada tacliinta sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post