711 Views

Joe Biden “ma cafin doonno. Ma illaabi doonno. Waynu idin ugaarsan doonnaa”

Joe Biden “ma cafin doonno. Ma illaabi doonno. Waynu idin ugaarsan doonnaa”
____________________________________________________________________________

Jimco: August 27, 2021  

Joe Biden says ayaa sheegay in daad-gureynta ka socota garoonka Kabul ay sii socon doonto, kaddib qaraxyadii ay ku dhinteen 60-ka qof, oo ay ku jiraan 13 ciidamada Mareykanka ka tirsanaa.

“Waa inaynu dhammeystirnaa howlgalkan waana sameyn doonnaa,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale wacad ku maray in la ugaarsan doono dadkii ka dambeeyay.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa laga saaray Kabul, oo gacanta u gashay Taliban 15-kii August.

Balse dad kale oo badan oo reer Afghanistan ah ayaa ku soo xoomayay garoonka iyadoo ay soo dhowaatay muddada kama dambeysta ah ee ciidamada Mareykanka loo qabtay inay uga baxaan dalkaasi oo ah 31 August.

Biden ayaa ballan qaaday dhammeystirka howlgalka, isagoo intaas ku daray “nama carqaladeyn doonaan argagixisada”.

Weerarradii shalay ayaa dhacay abbaaro 18:00 xilliga dalkaas (13:30 GMT).

Kii ugu horreeyay ayaa lala beegsaday Abbey Gate – oo ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ay ugu adeegayeen dadka galaya garoonka – waxaana xigtay rasaas.

Daqiiqado kaddib, kii labaad ayaa ka dhacay hoteel ay saraakiisha Britain u adeegsanayeen inay ugu adeegaan dadka u dhashay Afghanistan ee doonaya inay u safraan UK.

Dad aad u fara badan ayaa isugu tegay garoonka iyagoo rajo ka qaba in loo oggolaan doono inay raacaan diyaaradaha dadka daad-gureynaya, inkatsoo ay jireen digniinno ay soo saareen saraakiisha Mareykanka iyo kuwa UK oo ku saabsaneyd khatarta weerarro is miidaamin ah oo ay geystaan kooxda Isis-K, oo ka tirsan ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.

Kooxdan ayaa goor dambe sheegatay weerararrada.

Madaxweyne Biden ayaa yiri: “Ma cafin doonno. Ma illaabi doonno. Waynu idin ugaarsan doonnaa waanad ka shallaayi doontaan.”

Ciidamo ka tirsanaa kuwa Maryekanka aya aku dhintay qaraxyadaas, sida uu sheegay madaxa Cutubka Dhexe ee ciidamada Mareykanka, Jeneraal Frank McKenzie. Waa markii ugu horreysay ee ay ciidamada Mareykanka khasaaro kala kulmaan Afghanistan tan iyo bishii February 2020.

Biden ayaa sheegay in ciidamada dhintay “ay ahaayeen geesiyaal ku guda jiray howlgal nafhurnimo ah oo lagu badbaadinayay nolosha dadka kale”.

Frank McKenzie ayaa sheegay in khatarta Isis-K ay weli aad u sarreyso isla markaana ay ciidamada Mareykanka kala shaqeyn doonaan Taliban si loo joojiyo weerarrada iyo in Taliban ay ka hortagtay kuwo kale oo badan.

Balse weerarka ayaa laga yaabaa inuu carqaladeeyo dadaallada daad-gureynta iyadoo ay soo dhowdahay muddada kama dambeysta ah ee 31 August.

Waxaa haatan garoonka Kabul sugan 5,800 ciidamada Mareykanka ah iyo 1,000 kuwa UK ah.

Ilaa iyo haatan, 104,000 rayid ah ayaa laga qaaday Afghanistan.

Ilaa 5,000 ayaa ku sugan garoonka qaar kale oo badan ayaana isku dayaya inay ka gudbaan bar koontaroollada.

Tiro dalal ah, oo ay ku jiraan Canada, Biljamka, Netherlands iyo Denmark ayaa joojiyay howlahooda.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisa oo muddo lix sano ah ilaalinayay garoonka ay haatan isaga baxayaan halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson – oo shalay kulan deg deg ah la qaatay saraakiil sare – ayaa sheegay inay sii socon doonaan duullimaadyada daad-gureynta ee UK.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post