1134 Views

Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidamo Kenyaan ah

Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidamo Kenyaan ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 2,, 2019 —Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso degmooyinka Dhoobleey iyo Af-madoow ayaa tibaaxaya in xalay saqdii dhexe dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in weerarkaasi uu ku bilawday qaraxyo la dhigay bartamaha adada xiriirsa Dhoobleey iyo Af-madoow oo ay Kolonyada Ciidamada Kenyanka ah ku socdaalayeen.

Qaraxaasi dabadeed waxaa la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar fool ka fool ah ku qaadeen ciidamada Kenyaanka ah, waxaana lasoo warinayaahabaab khasaaro ka dhashay weerarkaasi oo aan la cayumin.

Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi gaadmada ah ay Ciidamada Kenyaatiga ah kaga gubeen labba gaari oo midi uu ahaa gawaarida gaashaam oo ay wateyn ciidamada la weeraray.

Kenya dhankooda kama aysan hadal weerarkaani lagu qaaday ciidamadooda ku socdaalayay inta u dhaxaysa Degmooyinka Dhoobleey iyop Afmadoow.

 

 

Xafiiska Waraka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment