774 Views

Xildhibaano ka digay in la tarxiilo dadka kasoo jeedda Koonfur ee ku sugan Boorame

Xildhibaano ka digay in la tarxiilo dadka kasoo jeedda Koonfur ee ku sugan Boorame
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 09, 2021==Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay uga digayaan in mar kale la tarxiilo dadka kasoo jeedda Koonfurta Soomaaliya eek u sugan degaanada maamulka Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ceeb iyo fadeexad ay ka dhalatay dadkii sida qasabka ah looga saaray Magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Waxaa uu sheegay in dastuurka Somaliland ay si weyn uga soo horjeeday tilaabada ay qaaday xukuumadda Somaliland ayna halis galisay sumcaddii Somaliland.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in aysan marna aqbalin dadka ku sugan magaalooyinka kale ee Somaliland in la soo saaro dadka kasoo jeedda Koonfurta Soomaaliya oo degaanada ay ka yimaadeen wali ay ka jiraan colaado.

Somaliland ayaa dhawaan Magaalada Laascaanood kasoo masoo furisay dad ku dhow labo kun oo ruux oo ay sheegtay in falal amni daro oo ka dhacay magaalada Laascaanood ay qeyb ka ahaayeen.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post