279 Views

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Jab culus ka soo gaaray dagaalkii shalay ay ku qadeen magaalada Qaayib

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Jab culus ka soo gaaray dagaalkii shalay ay ku qadeen magaalada  Qaayib
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka weerar culus lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaad huwan ah. Sida ay baahisay warbaahinta Somali Memo oo afka Al-Shabaab ku hadasho.

“Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar kula jarmaaday illaa 2 saldhig oo kuyaal deegaanka Qaayib ee hoostago Baxdo.” ayay warbaahinta Memo ku daabacday boggeeda.Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka oo ku bilaawday gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ka dibna uu xigay dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray, Ciidamada Al-shabaab ayaa sheegay inay Galguduud dhowr jiho ka galeen deegaanka Qaayib ayna gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo saanado melleteri.

Dhinaca kale dowladda ayaa iyadana dhankeeda sheegtay inay ka hortageen weerarka ay Al-shabaab ku soo qaadday deegaanka Qaayib.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post