849 Views

Guddoomiye Najax oo Amar dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Sh/Hoose

Guddoomiye Najax oo Amar dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 21 2020–Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aadan Cali Najax ayaa Dhamaan Maamulada Degmooyinka Gobolka iyo laamaha amaanka faray inay joojiyaan dhul boobka ka socda deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Najax ayuu ku sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku howlan yahay sameynta sharci bixin sax ah oo ka hirgasha dhamaan deegaannada Maamulkaas,isla markaana ay ogyihiin dhul boob ka socda deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo heysta dhul danguud uu kala wareegi doono Maamulka koonfur Galbeed,waxaana shacabka uu uga digay inaysan ku kahsoomin dhulalka danta Guud ee laga iibinayo.

Maamulada degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo laamaha Amniga ayuu faray Guddoomiye Najax inay ka hortagaan kooxo uu sheegay inay isku baheysteen dhul Boob ka socda Gobolkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment