831 Views

Dadka Ka barakacay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo ka cabanaya gargaar la’aan.

Dadka Ka barakacay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo ka cabanaya gargaar la’aan.
____________________________________________________________________________

Isniin: October 25, 2021

Dadka Ka barakacay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ee maalintii saddexaad ay ku dagaallamayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah oo Ahlu sunna Waljamaaca ayaa BBC-da u sheegay in ilaa yo hadda aan la soo gaarsiin wax gargaar ah.

Boqolaal qof oo ka barakacay Guriceel ayaa u qaxay tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee dhow degmadaas, waxayna sheegeen in aanay rajo ka qabin in halkaa ay ku laabtay ilaa inta ay colaaddu ka istaagayso.

Todobaanaan oo isugu jira dhinacyada dagaallamaya iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka oo maalintii saddexaad halkaa ka socda.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa sheegaya in magaaladu ay haawanayso oo ay ka bexeen dhammaan shacabkii halkaa ku noolaa ayna jirto rasaas teel teel ah oo mararka qaar la maqlayo.

Waxaa gebi ahaanba xiran ganacsigii iyo goobihii waxbarashada ee magaalada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post