354 Views

Xidig jilaa ah oo ay xaaskiisa dhimatay maalintii arooskooda

Xidig jilaa ah oo ay xaaskiisa dhimatay maalintii arooskooda
____________________________________________________________________________


Arbaco: June 22, 2022

Xiddigii hore ee barnaamijka masraxa ee X Factor, Tom Mann ayaa sheegay in dunida lagu cidleeyay “uu aad niyad jabsan yahay” ka dib markii saaxiibtiis Danielle ay dhimatay saacado ka hor inta uusan guurkooda dhicin.

“Danielle Hampson waxay dhimatay maalintii Sabtida,” ayuu yiri.

“Waxa loo malaynayay inay tahay maalinta ugu farxadda badan nolosheenna balse maalintaas ayay dhammaatay qalbi jab ay adagtahay in laga soo kabsado ayaa igu dhacay,” ayuu qoray Mann.

Lamaanihiisa oo 34 jir ahayd ayaanan la sheegin sababta uu u geeriyootay.

“Ma rumaysan karo inaan erayadan qorayo, laakiin gacalisadadii Dani – saaxiibtaydii ugu fiican ee nolosha, jacaylkii nolosheyda waxay geeriyootay subaxnimadii hore ee Sabtida,” ayuu qoray Isniintii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post