456 Views

Xubno Wasiiro ah uu dhawaan magacaabay Siciid Deni oo maanta la dhaariyay

Xubno Wasiiro ah uu dhawaan magacaabay Siciid Deni oo maanta la dhaariyay
____________________________________________________________________________

Axad: April 10, 2022

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta goob joog ka noqday dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo xubin ka mid ah Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Xubnaha cusub ee maanta la dhaarshay ayaa kala ah Wasiirka wasaarada Ganacsiga, Warshdaha iyo Maalgashiga Puntland, Wasiir ku xigeenka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo xubin ka mid ah Guddiga doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Kula dardaarmay masuuliyiintan in ay shaqadooda u gutaan sida ugu wanaagsan si Bulshada loogu adeego, waxaana uu alle uga baryey in uu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post