900 Views

Dad lagu eedeeyey Shaqaaqo ka dhacday G/Hiiraan oo gacanta lagu dhigay

Dad lagu eedeeyey Shaqaaqo ka dhacday G/Hiiraan oo gacanta lagu dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad  , March 1, , 2020 —Taliska Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degmadaas ayaa ku guuleystay inay xal ka gaaraan colaad soo laab laabatay oo u dhaxeysay laba beelood oo dega deegaano hoostaga degmadaas.

 

Kulan ka dhacay degmada Matabaan ayaa lagu soo afjaray colaadaas oo ka taagneyd deegaannada Bacaha, Coomaad, Bilcile, Geel-kudhal, iyo Baliga-garoore,waxaana dagaal deegaannadaas ka dhacay uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

 

 

Dhinaca kale howlgal ay sameeyeen Booliska degmada Matabaan ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan dad lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dagaal beeleedaydaii soo laab laabtey ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Matabaan,sida uu goobta ka sheegay taliyaha Booliska degmada Matabaan.

 

Taliyaha Booliiska Degmada Matabaan Dhamme C/fitaax Maxamed Jaamac ayaa ugu baaqay Odayaasha labada dhinac inay fuliyaan heshiiska la gaaray sidoo kalena tallaabo laga qaadi doono dadkii ka dambeeyey Shaqaaqooyinkii dhacay oo ay gacanta ku hayaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment