297 Views

Soomaaliya oo gaadhay Guul taariikhi ah oo la Xidhiidha Maamulka Hawada Somalia

Soomaaliya oo gaadhay Guul taariikhi ah oo la Xidhiidha Maamulka Hawada Somalia
____________________________________________________________________________

.

`Khamiis: January 26, 2023 

Soomaaliya ayaa gaadhay guul kale oo taariikhi ah taasi oo la xidhiidha maamulka hawada oo horay loogus oo wareejiyey DF Soomaaliya.

“Hambalyo Qaranka iyo Umadda Soomaaliyeed Sharaf ayay ii tahay inan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qaranka la wadaago guusha weyn ee taariikhiga ah ee hawada Soomaaliya oo caawa 26ka Janaayo 2023 , si rasmi ugu wareegi doonta heerka ugu sarreeya ee Darajada (Class A).

Waa dhacdo weyn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka. Sidoo kale , wuxuu hannaankan gacan ka geysan doonaa korarka Dhaqaalaha ee dalkeenna.

Waxaa u mahadcelinayaa hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adeenna Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay, 30 sanno kaddib dalkeenna uu la soo wareegay maamulka Hawada . Waxaan kale u mahadceliyaa hay’adaha iyo ururrada caalamiga ee wada shaqeynta iyo iskaashiga wadaaga ah ee aan ku gaarnay darajadan, kuwaa oo ay ugu horreeyaan ICAO iyo IATA.” Ayay tidhi Wasiirka Duulista iyo hawada ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post