807 Views

Xildhibaan dhuxulow oo Noqday kii ugu horreeyay oo maanta qaatay shahaadada Golaha Shacabka

Xildhibaan dhuxulow oo Noqday kii  ugu horreeyay oo maanta qaatay shahaadada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Sabti: April 2, 2022

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta xildhibaannadii shalay natiijooyinkooda uu shaaciyay guddiga heer federaal.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf ayaa xildhibaanada siiyay shahaadada xildhibaannimo ee ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay kalsoonidii ay kala laabatay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay tallaabadaasi qaadday kaddib markii guddigaasi uu takoor kula dhaqmay maamulkooda.

Sidoo kale Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka Federaal u gudbiyeen xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 8 Aqalka Sare ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga FEIT ee Muuse Geelle uu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa kuraastii Golaha shacabka uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelle.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post