1200 Views

Wasiirka shegay marki uu la wareegayey Wasaaradiisa inuusan lahayn xafiis lagu shaqeeyo.

Wasiirka shegay  marki uu la wareegayey Wasaaradiisa inuusan  lahayn xafiis lagu shaqeeyo.
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay wasaaradda marki uu la wareegayey iney lahayn xafiis lagu shaqeeyo.

Wasiirka wuxuu sheegay wasaaradda marka uu tagay shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa iyo laba sano iney fasax ku maqnaanyeen mushaarna qaadanayeen.

Marki aan weydiiyey halka lagu shaqeeyana waxaa la ii sheegay ayuu yiri iney wasaaraddu lahayn xaruun ay ku shaqeyso shirarkana lagu qabto huteellada iyo xaafadaha.

“Muddo seddex bilood waxayigu qaadatay wasaarada inaan dejiyo, xafiis u raadiyo, shaqalaha howlgeliyo si wasaaraddu shaqadeeda ay u qabsato” ayuu yiri wasiirku.

Wasiir Xamza ayaa xilka wasiirnimo loo magacaabay bishii Oktober 2020 isaga oo beddelay wasiiraddi xilka kaga horreysay Khadiijo Maxamed Diiriye.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post