810 Views

Ricky Lightfoot oo ah nn orodyhan ah oo noqday ninka keliya ee saddexaad ee ku guuleysta tartan dhexmara dadka iyo fardaha

Ricky Lightfoot oo ah nn orodyhan ah oo  noqday ninka keliya ee saddexaad ee ku guuleysta tartan dhexmara dadka iyo fardaha
____________________________________________________________________________

  Isniin: June 13, 2022

Ricky Lightfoot oo ah nn orodyhan ah ayaa noqday ninka keliya ee saddexaad ee ku guuleysta tartan dhexmara dadka iyo fardaha kaas oo la bilaabay sanadkii 1980kii.

Ninkan ayaa u sheegay BBCda in la toosiyey 6:00 ee Jimcaha si uuu raaco duulimaad saqda dhexe ah oo ku soo jeedaymagaalada Manchester

Wuxuu sheegay in uu soo jeeday 29 saacadood ka hor tartankauusana ogeyn in uu guulleystay iyo in kale maadama ay xayawaanka iyo dadku ay kala raacayeen xoogaa jidad ama qadad kala duwan.

Mar la weydiiyey sida uu ku ogaaday guusha uu ka gaaray oo uu ugu kor maray kun orodyahan iyo 50 faras oo tartanku u dhaxeeyeywaqti ah labo saacadood, 22 daqiiqo iyo 23 seken wuxuu sheegay in uu la yaabay ayna ku aheyd wax lama filaan ah.Waxaa uu helay 3, 500 pound markii uu ka adkaaday faraskii ugu horreeeyey iyadoo tantanku ahaa 36km faraskiina uu kaga soo hormaray labo daqiiqo.

Tartanka oo la soo celiyey labo sano ka dib markii Covid 19 uu bilowday ayaa markii hore abaalmarin loo siinayey qofka ugu horreeyey ee faras ka adkaada ilaa 500 oo Pound sanad kastana waa la kordhinayey .

Markii ugu horreysay ee qof bin’aadam ah uu ka adkaado faras waxay aheyd sanadkii 2007dii iyo 2004tii markana waa markii saddeexaad.

Hadaba adigu ma ka qeyb laheyd tartanka fardaha iyo dadka ?

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post