1005 Views

Madaxweyne Deni Oo Qaabiley Gabar Yar Oo Araga La’ Balan Qaadna U Sameeyay

Madaxweyne Deni Oo Qaabiley Gabar Yar Oo Araga La’ Balan Qaadna U Sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado , Feberaayo 24, 2020 —Madaxwaynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay ayaan Xassan Ducaalle oo ah Gabar 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, Taas oo Maalmo ka hor Fariin Maanso ah u soo dirtay Madaxwaynaha, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Mudane Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, Xaawo Jaamac Cabdi oo iyana ka mid ah dadka araga naafada ka ah, una ololeysa dadka araga la’ iyo Qoyska Ayaan Xasan Ducaalle.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah, Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nool Puntland.

 

Ugu danbeyn Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay in Madaxweynuhu uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment