1125 Views

Ilaalada xeebaha Malta oo badbaadiyay Boqolaal ruux

Ilaalada xeebaha Malta oo badbaadiyay Boqolaal ruux
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 26, 2019–Ciidamada ilaalada xeebaha Malta,ayaa badbadiyay 216 –ruux oo isugu jiray Qaxooti iyo Muhaajiriin,ka dib kolkii iyagoo la socda laba dooni laga helay Badweynta Mediterranean-ka ee kulaasha Jasiiraddaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in maalinimadii Jimcaha labadaasi dooni laga soo qabtay meel Koonfur kaga began Malta,ka dib howlgallo  ay ku dhaqaaqeen kooxo heegan ah

Dadkaasi la badbaadiyay ayaa lagu waramay in ay ka mid ahaayeen Haweeneey uur leh iyo Caruur,kuwaas oo illaa hadda aan la xaqiijin dalalka ay ka soo kala jeedaan.

 

Cimilada oo degan aawadeed ayaa sababtay in labadii cisho ee u dambeeyay ay bataan dadka ka soo hayaamaya dalalka Libya, Tunisia, iyo Algeria,waxaana magaalooyinka Sicily, Sardinia, iyo Lampedusa gaaray 12 dooni oo ay la socdeen qaxooti iyo dad Muhaajiriin ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment