495 Views

Kim Jong-un walaashiis oo sheegtay waqtiga ay qaadayaan weerar nuclear ah

Kim Jong-un walaashiis oo sheegtay waqtiga ay qaadayaan weerar nuclear ah
____________________________________________________________________________


khamiis: April 7, 2022

Haweeneyda ay walaalaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, oo iyadana lagu magacaabo Kim Yoo Jong ayaa ka digtay in haddii Kuuriyada Koonfureed ay howlgal militeri ku soo wajahdo ay Kuuriyada Waqooyi ku aar gudan doonto weerar nuclear ah.

Hadalkeeda ayaa u muuqday in tallaabo militeri oo dhinaca Kuuriyada Koonfureed uga imaata ay durbadiisa uga jawaabi doonaan hubka nuclear-ka ee sida ba’an wax u gumaada.

Kim Yoo-jung, oo inta badan aan kasoo muuqanin fagaareyaasha iyo warbaahinta, ayaa hadalkan kulul jeedisay xilli maalmahan ay sii kordheysay hadal haynta ku saabsan xiisadda ka taagan gobolka.

“Haddii Kuuriyada Koonfureed ay doorato in ay dagaal nala gasho, ciidankeenna nuclear-ka gacanta ku haya waxay fulin doonaan shaqadooda oo aan kasoo waabasho lahayn,” ayay tidhi, sida ay kasoo xigatay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Kuuriyada Waqooyi ee RT News.

Hadalkeeda waxa uu kusoo aaday xilli ay sii kordhayso saamaynta uu dunida kusii yeelanayo dagaalka uu Ruushku ku qaaday waddanka Ukraine.

Walaac xooggan ayaa ka jiray dunida wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweynaha Ruushka amar ku bixiyay in heegan la galiyo gantaalladiisa nuclear-ka. Haddana waxaa walaacaas sii xoojin kara hadalka kasoo baxay Kim Jong-un walaashiis.

Waa tuma Kim Yoo-jung?

Haddaba maxaan ka garanaynaa haweeneyda ugu saamaynta badan uguna awoodda badan dalka Kuuriyada Waqooyi, islamarkaana ah gabadha kaliya ee la dhalatay Kim Jong-un?

Waa da’da ka yar hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waana qofta kali ee ka midka ah walaalihiisa ee ay sida aadka ah isugu dhaw yihiin.

Gabadhan, Kim Yo Jong, ayaa dhammaadkii bishii la soo dhaafay ee September la arkay iyadoo si aan caadi ahayn u xayeysiineysa guddiga ugu sarreeya dalka Kuuriyada Waqooyi ee go’aannada adag u gara, sida laga baahiyay warbaahinta dowladda ee dalkas.

Waxaa la aaminsan yahay in ay ka mid tahay dadka naadirka ah ee uu aamino hoggaamiye Kim Jong-un. Sannadkii la soo dhaafay, sirdoonka Kuuriyada Koonfureed waxay ku tilmameen in ay tahay qofka labaad ee ugu awoodda badan Kuuriyada Waqooyi — Balse shaqadeeda rasmiga ah ee dowladda ay ka hayso marna lama caddeynin.

Kim Yo-jong ayaa markii ugu horeysay dareenka caalamka soo jiidatay sannadkii 2018, markaasi oo ay ka mid ahayd waftigii Kim ee booqanayay Kuuriyada Koonfureed.

Waxay qeyb ka ahayd ergadii ciyaarihii Olambikada xilligaas oo kooxihii ka socday Koonfurta iyo Waqooyiga ay hal koox noqdeen.

Waxay 2018 la shaqeynaysay oo ay barbar taagnayd walaalkeed xilli uu qaaday waddo dublamaasiyadeed isaga oo la kulmay madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping iyo kulankii muhimka ahaa ee uu la qaatay Donald Trump.

Xiriirka dhaw ee ay la leedahay walaalkeed Kim iyo doorka heerka sare ah ee ay ka ciyaarayso siyaasadda ayaa mar kale soo ifbaxay April 2020 markaasi oo walaalkeed Kim Jong-un uu ka maqnaa fagaarayaasha dadwaynaha.

Kim Yo-jong waxay ka mid tahay dadka ugu sarreeya ee la saadaalinayo in ay bedeli doonaan Kim Jong-un.

Doorka gabadhan, Kim, ayaa sare u kacay bishii October 2017-kii, markaasi oo loo dalacsiiyay in ay ka mid noqoto guddiga dajinta siyaasadaha xisbiga Shuuciga.

Ka hor waxay ahayd agaasima ku xigeenka waaxda brobagaandada, jagadaasi oo la rumaysan yahay in ilaa iyo imika ay hayso islamarkana ay ka shaqeyso sare u qaadidda sumcadda dad waynaha uu ku dhex leyahay walaalkeed Kim.

Ms Kim ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadka ku jira liiska cunaqabataynta Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay tacadiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay Kuuriyada Waqooyi.

Waxay arrintan micnaheedu tahay in muwaadiniinta Mareykanka aysan wax xiriir ah la sameyn Karin.

Hanti kasta oo ka taalla dalka Mareykanka ayaa sidoo kale la xannibayaa.

Awood intee dhan ayay leedahay?

Way adagtahay in la fahmo nidaamka awoodda Kuuriyada Waqooyi, sidaasi daraadeed way adag adagtahay in la cabiro inta ay dhan tahay galaangalka dhanka siyaasadda ee ay leedahay Kim Yo-jong.

Waxaa jira warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ay is gursadeen wiil uu dhalay Choe Ryong-hae, oo ah xoghahaya awoodda badan ee xisbiga islamarkana ah ninka labaad ee ku xiga Kim Jong-un.

Haddii ay dhab tahay arrintaasi waxay markaasi taasi siinaysaa meeqaam muhim ah.

Balse Oliver Hotham oo ka tirsan NK News ayaa BBC u sheegay: “Waxaan u maleynayaa in ay caadi tahay in la yiraahdo maadaama 30 jir ay tahay taasi oo ah da.a aan saamayn badan ku lahayn Kuuriyada Waqooyi – in galaangalka ay leedahay inta badan uu yahay mid ku tiirsan walaalkeed.”

Haddii ay noqto in la helo qof badala Kim Jong-un xiriirka qoyska ayaa noqonaya mid muhim ah.

Kim Jong-un ayaa la rumaysan yahay in uu caruur leeyahay, balse waa kuwa wali aad u yar-yar.

Maadaama ay Ms Kim ay xubin ka tahay dadka leh dhaxalka, warbaahinta dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa si sahlan qiil ugu heli kara in awooddaay lagu wareejiyo.

Balse dhaxaltoyadaasi marka la eego haddii aan iyada la soo xulin, hogaamiya kasta oo kale oo la soo xulo waxaa uu u arki karaa qof la loolamaya.

“ilaa uu yimaado awoodda xubin kale oo ka tirsan Kim, markaasi xaladda way u sahlanaanaysaa,” ayuu yiri Fyodor Tertitskiyoo ka tirsan jaamacadda Kookmin ee ku taalla Seoul.

“In ay la wareegto jagada hogaamiyaha sare haddii kale waxay luminaysaa dhammaan awoodaha iyo suurtagalnimada xitaa in ay nafteeda ku wayso.

Jagadee ayay ku haboontahay inay ka qabato qoyska xukunka haya?

Kim Yo-jong waa gabadha ugu yar caruurta hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxay isku hooyo yihiin Kim Jong-un iyo Kim Jong-chol, oo isagu la rumaysan yahya in uusan xil sare ka hayn nidaamka awoodda siyaasadda dalkaasi.

Waxay dhalatay 1987 waxayna 4 sano ka yartahay walaalkeed Kim Jong-un oo imika xilka haya.

Waxay wax ku wada barteen islamarkana ku noolaayeen magaalada Berne ee dalka Switzerland.

Saraakiisha iskuulkii ay wax ka baran jirtay ee dalka Switzerland ayaa waxay sheegeen in ay ahayd gabadh si wayn loo ilaaliyo islamarkana waxaa mar la sheegay in qabow yar oo ay dareenta markiiba inta iskuulka laga saaray isbataal la geeyay.

Maxay tahay imika shaqadeeda?

Tan iyo 2014, shaqada Kim Yo-jong waxay ahayd in ay difaacdo sumacadda walaalkeed islamarkana waxay door mug leh ka qaadanaysay waaxda brobagaadada loo sameeyo xukunka.

Waxaa la sheegay in iyada ay maareyso dhammaan howlaha uu ugu soo baxo fagaarayaasha islamarkaana waa la taliyihiisa dhanka siyaasadda.

Doorkeeda ku aadan suurtagalnimada in ay tahay qofka badalaya walaalkeed ayaa soo baxda mar walba oo laga deyriyo xaaladda caafimaad ee walaalkeed Kim Jong-un.

Waxaa dhawaan soo baxayay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in uu xanuunsanayo Mr Kim, balse waxaa markii dambe soo baxay sawaradiisa isaga oo xarigga ka jaraya warshad taasi oo meesha ka saartay shakigii laga qabay caafimaadkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post