102 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Gudaha Aqalka Sare ee BJFS, Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay toosin, sixid iyo siiqayn ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.

Intaas kaddib, Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo doodiisa la guda galay ayay Sanatarradu ka dhiibteen aragtidooda iyo doodaha ay ka qabeen qaar ka mid ah qodobada sharciga oo ay ka hor jeediyeen Golaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post