492 Views

Abdikafi Maxamed “ Xasan Cali Khayre iyo Ex Madaxwayne Farmaajo waxay go’aaniyeen in Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF yihiin argagixiso PM Rooble guul ayuu sameeyay

Abdikafi Maxamed  “ Xasan Cali Khayre iyo Ex Madaxwayne Farmaajo waxay go’aaniyeen in Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF yihiin argagixiso PM Rooble guul ayuu sameeyay
____________________________________________________________________________


Isniin: January 24, 2022

 Wasiirkii hore ee Qorshaynta Galmudug  Abdikafi Maxamed Maxamud oo la hadlayay saxaafada ayaa Guul ku tilmaamay go’aankii shalay ay qaateen Golaha Wasiirada Xukuumada Raisal Wasaare Rooble.

“ Waxan soo dhawaynayaa go’aanka Golaha wasiirada PM Rooble ku burburiyeen in Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF yihiin Argagixiso. Waxa uuna ahaa Guul siyaasadeed iyo mid bulshada Soomaaliyeed ay ku wada Qanceen marka laga reebo kooxda yare e joogta Villa Soomaaliya”ayuu yiri  Wasiirkii hore ee Qorshaynta Galmudug  Abdikafi Maxamed Maxamud oo la hadlayay saxaafada

“ Ex PM Xasan Cali Khayre iyo Ex Madaxwayne Farmaajo waxay go’aaniyeen in Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF yihiin argagixiso, runtii go’aankaas laftigiisa ayaa ahaa mid argaxigisonimo iyo mid qiyaano-qaran labadaba waana in doorashada soomaaliya looga reebo dambigan wayn ee ay dalka iyo dadka ka galeen(traitors).

Sidoo kale afhayenka ONLF oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan hadalka iyo Go’aanka taariiiqiga ah oo ay shalay qaateen Golaha Wasiirada Xukuumada Raisal Wasaare Rooble, waxa  uuna sheegay in ay tagayaan Soomaaliya iyo Muqdisho.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

E-mail-Cabdixakiin441@hotmail.com

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post