1338 Views

Maxkamad la horgeeyey Siyaasi Muuse Cali Jaamac

Maxkamad la horgeeyey Siyaasi Muuse Cali Jaamac
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October14–2019 —Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Bari Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la horkeenay Siyaasi Muuse Cali Jaamac kaas oo maalin ka hor ay  Boosaaso ku xireen Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Puntland.

 

Siyaasiga ayaa ka hor xeritaankiisa waxaa uu ka qeyb-galay kulan ay yeesheen Odayasha & Siyaasiyiinta mid kamid ah beelaha dega deegaannada Puntland,iyaga oo eedeyn iyo dhaliil u jeediyey Xukuumadda Maamulka Puntland,isla markaana uu goobta ka Akhriyey War-Saxaafadeed kasoo baxay Odayaasha Shirka yeeshay.

 

Maamulka Puntland ayaa siyaasiga Muuse Cali Jaamac waxaa ay ku eedeeyeen inay geystay aflagaado Maxkamadeed, in kastoo Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari Puntland aysan faah faahin ka bixin.

 

Dhinaca kale ka sokow maxkamadeynta Siyaasiga ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah Odayaasha & waxgaradka gobolka Bari ay wadaan dadaalo lagu doonayo in damiin lagu siidaayo Siyaasiga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment