1191 Views

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Amaro soo saartey

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Amaro soo saartey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco , Feberaayo 21, 2020 —Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro ku socda Dalladaha Waxbarashada, Maamul goboleedyadda iyo Dugsiyadda waxbarashada dalka,kaas oo la doonayo inay ku dhaqmaan.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay soo saareen nidaamka Waxbarashadda oo ay guud ahaan dugsiyadda dalku xogta kusoo gudbinayaan (Online Database).

 

 

 

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay joojisay in dugsi laga soo qaado warqado ama foomam arday leeyahay oo sanadyaddii tagay la isticmaali jiray.

 

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

 

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay la socodsiinaysaa dhammaan bahda waxbarashadda Oo ay ugu horeeyaan Dalladaha Waxbarashada, Maamul goboleedyadda iyo Dugsiyadda waxbarashada dalka.

 

In wasaaraddu soo saartay nidaamka Waxbarashadda oo ay guud ahaan dugsiyadda dalku xogta kusoo gudbinayaan(Online Database).

 

Sidoo kale Nidaamkan waxaa kuwada shaqayn doona bahda waxbarashada guud ahaan.

Wasaaraddu guud ahaan waxay joojisay in dugsi laga soo qaado warqado ama foomam arday leeyahay oo sanadyaddii tagay la isticmaali jiray.

 

Wasaaraddu Dalladaha waxay ka sugaysa Tix ama Liis arday oo shambadaysan oo dugsi dugsi u xiran.

 

Waxaa nidaamkan lagu bilaabay Gobolka Banaadir oo ilaa hadda 75% dugsiyadu si wanagsan u wadaan shaqada.

 

Fiiro gaar ah: Ma jiri doono hal arday iyo hal dugsi oo ka maqnaan doona Nidaamka cusub.

Kali ah dugsiyada ayaa kala horeeya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment