756 Views

Madaxweyne Macron oo qof shacab ah uu dharbaaxo ku dhuftay isaga oo booqanaya gobolka Drome ee dalka Faransiiska Dawo Muqalka

Madaxweyne Macron oo qof shacab ah uu dharbaaxo ku dhuftay isaga oo booqanaya gobolka Drome ee dalka Faransiiska Dawo Muqalka
____________________________________________________________________________

June 6 2021

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa fadeexad xooggan la kulmay maanta kadib markii qof shacab ah uu dharbaaxo ku dhuftay isaga oo booqanaya gobolka Drome ee dalka Faransiiska.

Muuqaal fiidiyow ah oo ay baahisay warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayay nin gashan funaanad damis ah oo xiran muraayadaha indhaha iyo maaskaro wejiga ah oo ku dhawaaqaya “Ha dhaco Macron” kahor inta uusan dhirbaaxo wejiga uga dhufan Macron.

Macron ayaa la arkayey isaga oo u socda dad badan oo ku sugna goobta oo ka dambeeyey bir ku hor-gudbaneed kadibna gacanta u fidinaya dadweynaha si uu u salaamo, waxaana markiiba dharbaaxo ku dhuftay nin ka mid ah dadkaas.

Ilaalada Macron ayaa qabtay labo nin, kadib markii madaxweynaha Faransiiska uu ninkaas wejiga ka dharbaaxay.

“Ninka isku dyayey inuu dharbaaxo madaxweynaha iyo qof kale ayaa hadda su’aalo la weydiinayaa,” waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku sheegay mas’uuliyiinta gobolka.

Koox ka socota amniga madaxweynaha ayaa si deg-deg ah u soo fara-geliyay, waxaana la rumeysan yahay in gacan ka hadalka ka dhanka ah Macron uu intaas kasii badan lahaa.

Dhacdadu waxay dhacday markii uu Macron booqday gobolka koonfur-bari si uu ula kulmo maqaayadaha iyo ardayda si uu ugala hadlo sida ay noloshu caadi ugu soo noqonayso maaddaama la khafiifiyey xayiraadahii Covid-19 ee dalkaas.

Dhacdadan oo ka dhacday xaafadda Tain-l’Hermitage ee gobolka Drome ayaa ka dhigan dayac amni, waxayna mugdi gelisay safarka Macron uu ku bixinayo dalka oo dhan.

“Madaxweynaha wuxuu qiyaastii 1:15 PM kasoo laabtay dugsi sare oo uu booqday, wuxuuna galayey babauurkiisa, hase yeeshee dib ayuu u soo laabtay markii ay shacab u yeereen. Wuxuu kadib u dhaqaaqay inuu la kulmo, kadibna dhacdadan ayaa dhacday,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Mas’uuliyiinta gobolka.

Sidoo kale Madaxda ka hadashay dhacdadaan oo uu ugu horeeyay Ra’iisal wasaaraha Faransiiska, Jean Castex ayaa cambaareeyay dhacdadan kuna tilmaamay mid meel ka dhac ku ah dimuqraadiyadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post