648 Views

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) oo qiijisay kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, 12-ka October 2021.ku dhawaqayso

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) oo qiijisay kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, 12-ka October 2021.ku dhawaqayso
____________________________________________________________________________


September 24, 2021

Maalmo kadib Markii uu shaaciyay Raisal Wasaare ku-xigeenka Soomaliya Mahdi guleed in  Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay ku dhawaaqayso Natiijada, ayaa waxaa shaaciyay isla Maxkamadaas.

war-saxaafadeed ka soo baxay goor dhawayd maxkamada ayaa lagu sheegay in xukunka kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, lagu dhawaaqi doono 12-ka October 2021.

“Fadhi shaaacsan oo ay maxkamadda leedahay ayaa ka dhici doona 3:00pm xarunta Peace Palace ee Hague, markaasi oo madaxweynaha maxkamadda garsoore Joan E. Donoghue uu aqrin doono go’aanka maxkamadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay maxkamadda.

“Ayada oo la eegayo xaaladda COVID-19, kaliya xubnaha maxkamadda iyo wakiilada dhinacyada ayaa jooga doona Hall-ka Cadaaladda. Xubnaha diblomaasiyiinta, warbaahinta iyo shacabka kale waxay awoodi doonaan inay aqrinta kala socdaan website-ka maxkamadda iyo UN Web TV.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post