948 Views

Madaxweynaha Puntland oo laba arrimood u tegaya Boosaaso

Madaxweynaha Puntland oo laba arrimood u tegaya Boosaaso
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 31–2019 | —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maalmaha soo socda waxaa la filayaa in uu tago Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland.

 

Siciid Deni oo haatan ku sugan garoowe ayaa safarkiisa Boosaaso,kaddib waxaa la flayaa in uu tago Gobolka ay puntland u taqaano Gardafuu,waxaana socdaalkiisa uu ku qotomaa laba arrimood oo kala ah.

 

 

 

1: Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo bilihii la soo dhaafay ay ka jirtay xaalad Amni darro in uu kala Shiro saraakiisha Amniga iyo in la bilaabo fulinta mashaariic iyo qodobo kale.

 

2: Safarkiisa uu ku tagayo Gobolka ay puntland u taqaano Gardafuu ayaa waxaa uu aadan yahay in gobolkaas uu xilligaan Go’doon ku jiro,kaddib markii wadooyinkii soo galayay uu Roobka jarey in uu tuso indhaha Caalamka si loogu soo gurmado wadatashiyo kalena uu la yeesho Maamulka iyo qeybaha Bulshada.

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u sheegay in Puntland ay dagaal kula jirto Xubno ay ka mid yihiin Kooxda Daacish oo mararka qaar falal amni darro ka geysata qeybo kamid ah gobolka Bari.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment