1302 Views

Dowladda Imaaraadka oo ku dhawaaqday in ay magangelyo siisay Ashraf Ghani

Dowladda Imaaraadka  oo ku dhawaaqday in ay magangelyo siisay  Ashraf Ghani
____________________________________________________________________________

.

Khamiis” August 19, 2021

 Dowladda Imaaraatiga Carbeed, ayaa magangelyo siisay madaxweynihii baxsaday ee waddanka Afghanistan, Ashraf Ghani.

War kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay in magan-gelinta Ashraf Ghani ay la xiriirto arrimo banii’aadanimo.

Madaxweyne Ghani, ayaa todobaadkan ka cararay dalkiisa, kadib markii ay caasimadda Kabul la wareegeen ururka Taliban.

Wuxuu sheegay in uu dalka uga baxay, si looga taxaddaro in aan qalalaase ka dhicin waddanka islamarkaana looga baaqsado dhiig daata.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post