975 Views

Ammaanka Xarumaha Dowlada ee Dhuusamareeb oo la xoojiyay

Ammaanka Xarumaha Dowlada ee Dhuusamareeb oo la xoojiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 10, 2019 —Wararka laga helayo Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Rasmiga ah ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dhagxaan iyo Caro-tuur la dhigay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaaladaasi.

 

Goobaha sida gaarka ah caro tuurka loo dhigay ayaa waxaa ka mid ah halka uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug, madaxtooyada Maamulka iyo wadooyinka muhiim ah oo ay isticmaalaan madaxda dowladda iyo maamulka galmudug.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhawaan geysay Magalada dhuusamareeb ayaa dadka u diidaya in ay gaadiid ku maraan goobaha la xiray,sida ay Risaala u sheegeen dad ku sugan Magalada Dhuusamareeb.

 

Sababta loo dhigay Dhagxaanta iyo Caro turka Xarumaha ay Dhuusamareeb ka degan yihiin Madaxda Dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay si loo adkeeyo ammaaanka Magalada dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

 

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka,ergo ka qeyb-galeysa shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug iyo Ciidamo farabadna oo ka tirsan dowladda,kuwaas oo laga qaaday Magalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment