1062 Views

Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay Askari Askari kale xalay dilay

Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay Askari Askari kale xalay dilay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 16 2020–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Jubbaland uu xukun dil ah ku fuliyay Askari Askari kale xalay ku dilay Kismaayo.

Ninka maanta la toogtay ayaa lagu Magacabaa Maxamed Cabdinaasir, waxaa uu ka mid ahaa Ilaalada Madaxtooyadda Jubbaland.

Askariga xalay lagu dilay Kismaayo ayaa sidoo kale ka mid ahaa Ilaaladda Madaxtooyadda maamulka Jubbaland.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu muran soo gala dhex galay labada Askari.

Maamulka Jubbaland ayaa xukun deg deg ah ku fuliya Askarta iyo Shaqsiyaadka kale ee gacanta lagu dhigo ee dilalka ka geysta Magaalada Kismaayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment