504 Views

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, oo diiday ansixinta mas’uuliyiin magacaaban

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, oo diiday ansixinta mas’uuliyiin magacaaban
____________________________________________________________________________



Isniin: July 4, 2022

adaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 43 Xildhibaan, ayaa Ajandaha waxa uu ahaa Ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda sare ee Dawlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa diiday ansixinta mas’uuliyiinta magacaaban ee maxkamadda sare ee Puntland waxaana cod gacan-taag ah ugu codeeyay 23 xubnood oo oggol iyadoona ay diideen11, Xildhibaan halka ay 9 xubnood ka aamuseen.

In kastoo Codaynta ka hor, kulanka la akhriyay codsi ka yimid Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xildhibaannada ka dalbanaya in ay ansixiyaan maxkamadda, ayeey hadana waxa ay diidmo kala horyimaadeen ansixintii Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaana sidaasi Xubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee DPL ay waayeen kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post