927 Views

Sacuudi Carabiya oo xukun daldalaad ah ku fulisay 81 qof oo lagu helay dambiyo isugu jira dil iyo inay ka tirsan yihiin kooxaha mintidiinta

Sacuudi Carabiya oo  xukun daldalaad ah ku fulisay 81 qof oo lagu helay dambiyo isugu jira dil iyo inay ka tirsan yihiin kooxaha mintidiinta
____________________________________________________________________________


Axad March 13, 2022

Sacuudi Carabiya ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay 81 qof oo lagu helay dambiyo isugu jira dil iyo inay ka tirsan yihiin kooxaha mintidiinta , taasoo ah dil wadareedkii ugu ballaarnaa ee boqortooyada laga fuliyo taariikhda casriga ah.

Tirada dadka la dilay ayaa xitaa ka saramartay tiradii dil wadareed bishii Janaayo 1980-kii lagu fuliyay 63-dagaalyahan oo markaasi lagu helay in ay qabsadeen Masjidka Xaramka ee Makka 1979-kii, weerarkaas oo ahaa kii ugu xumaa ee abid lagu bartilmaameedsado boqortooyada iyo goobta ugu barakeysan Islaamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post