1125 Views

Wafdi ku wajahan Magaalada Cadaado & diyaar garow ka jira

Wafdi ku wajahan Magaalada Cadaado & diyaar garow ka jira
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta la filayaa inay tagaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay deegaan doorashadooda tahay deegaanada Galmudug.

Wafdiga Xildhibaanada ah ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari,waxaana qeyb ka noqon doona Xildhibaanada kala ah,Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye, Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale.

U jeedka wafdigaan tagaya Magalada Cadaado ayaa waxa lagu sheegay xaalada siyaasadeed ee kusoo korortay deegaanada Galmudug, iyada oo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku sugan yahay deegaanka Godinlabe oo u dhaxeeya  Magalaalooyinka  Cadaado & Dhuusamareeb.

Xubnaha wafdiga Xildhibaanada ah ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inay macquul tahay inay la kulmaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf oo shalay kasoo tegay Magalada Dhuusamareeb.

Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug ayaa mudo 12 Saacadood gudaheed ah isku bedeshay in kastoo weli ay jirto Isfahan la’aan siyaasadeed ayaa hadana waxa la filayaa in la qabto doorashada Maamulka Galmudug,isla markaana ay qeyb weyn ku yeelato Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment