1476 Views

Guddoomiyahii hore ee xisbiga Waddani Cirro oo ka hor yimid in la furo Xisbiyada ka hor doorashada

Guddoomiyahii hore ee  xisbiga Waddani Cirro  oo ka hor yimid in la furo Xisbiyada ka hor doorashada
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 23, 2021

 Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo sidoo kale ah Musharaxa madaxweynaha ee xisbigaas ayaa shaaciyey in marnaba uusan aqbali doonin mucaaridku in ururada la furo ka hor doorashada madaxweynaha, xilli sharci arrintaas ku saabsan la horgeeyay Golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiye Cirro ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xilligaan lagu soo beego sharciga furista ururada, isagoona sheegay in xisbigiisu aanu madaxweyne u aqoonsanaan doonin Muuse Biixi haddii uu waqtigeeda ku qaban waayo doorashada.

“Madaxweyne Muuse u aqoonsan mayno marka uu dhamaysto muddo xileedkiisa dastuuriga ah, haddii aan doorasho la qaban, maalin dhawayd waxad maqlayseen xukuumada oo tidhi ururadu way iska furanyihiin, madaxweynayaashuna way iska furnaan doonaan” ayuu yiri Cirro.

Sidoo kale waxa uu ku hanjabay in uu isku caleemo saari doono madaxweyne, haddii uu madaxweyne Muuse Biixi uu iska dayo in doorashada waqtigeeda uu dib uga dhigo.

“Waxan halkan idiinka caddaynayaa in xisbiga Waddani iyo xisbiga kale ee UCID midkoodna aanu kasoo horjeedin furista ururada siyaasada, cuqdadna ka qabin, aqbali doonina waxan xeer jidaynin, doorashooyinka waxa loo soo kala horaysiinayaa siday u kala horeeyaan.”

Waxa uu intaas kusii daray in xisbiyada mucaaridku aanay diidanayn furista ururada siyaasada, hase yeeshe ay rabaan keliya in laga horeysiiyo doorashada madaxweynaha.

“Doorashada waa in waqtigeedi lagu qabtaa, yeeli mayno in saacad lagu daro, tartanka ururada diyaar baanu u nahay marka ay dhamaato mudada xeerku siiyay jiritaanka axsaabta qaranka.”

Mowqifka uu qaatay guddoomiyaha xisbiga Waddani ee uu sheegay inay ka wada socdaan xisbiyada mucaaridka ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Somaliland, xilli ay dhawaan xildhibaano ka tirsan mucaaridka iyo xisbul xaakimka ay isku fara saareen kulan ka dhacay Golaha Wakiilada, oo ku saabsana furista ururada.

By Guuleed Muuse 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post